Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

  

NAIROBI (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab maanta ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa lala eegtay gaari ay saarnaayeen shaqaale Kenyaan ah oo u shaqeynayey shirkad dhismo, waxayna ku sii jeedeen dhanka deegaanka Wargadud-Takaba oo ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Bari ee Wadanka Kenya.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 3 qof oo ka mid ah shaqaalaha, halka uu burbur soo gaaray gaarigii ay la socdeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa goobta tegay, kuwaas oo bilaabay howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey weerarkaasi oo meesha isaga baxsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.