Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Jowhar

 

  

JOWHAR  – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle ayaa sheegaya in goordhow qarax is-miidaamin ahaa uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada Jowhar ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta madaxtooyada ee maamulka, ayna ku yaallaan hoteello ay degan yihiin xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaan oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah

Mas’uuliyiinta dhaawaca ah waxaa ka mid ah Wasiirka Haweenka HirShabelle Caasho khaliif, Wasiirka Caafimaadka HirShabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye ku xigeenkii hore Baarlamaanka maamulka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo xildhibaan hore Jeego, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku hareereeyey meesha ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaano dheeri ah.

   

Leave a Reply

Your email address will not be published.