Mid ka mid ah diyaaradaha shirka Jubba Airways ayaa goordhaw ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha garoonka.
Dhammaan rakaabka la socday diyaaradda ayaa laga soo badbaadiyay, mana jiro qasaare dhaafsiisan burburka diyaaradda.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay arkayeen diyaaradda oo mid kamid ah baalasheeda dhulka ku dhufsatay kadibna ka baxday dhabaha ay kusoo dageysay.
Wali waxaa socda gudrmadka, lagu deminayo dabka qabsaday diyaaradda.