Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha dowlad goboleedka KGS oo aqalka madaxtooyadda ku qaabilay wafdi ka socda UN-ka.

 

Madaxweynaha dolwad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa aqalka madaxtooyadda ku qaabilay wafdi ka Socda Qaramadda Midoobay oo ay hogaaminaysay Marwa Ghada Eltahir Mudawi oo ah ku xigeenka madaxa arimaha gurmad  hay”adda UNOCHA.

Kulanka oo qaatay saacado aya aad looga hadlay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaa oo galaaftay nolosha kumanaan qof iyo barakicintaa dad badan.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa abaaraha kusoo noq noqday deegaanadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne laftagareen kulanka waxaa ku wehlinayey xubno ka tirsan wasiiradda DGKGS, lataliyaal madaxweynaha iyo agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda.

Madaxweynaha dowlad goboleedka KGS ayaa uga mahad-celiyey wefdiga ka socday Qaramada midoobay ee garay magaalada Beydhabo, isagoona ka codsaday sidii ay QM u caawin laheeyd dadka aya abaarahu saameeyeen.

Dhankooda wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha dowlad goboleedka KGS iyagoona xusay in ay gacan ka geeysan doonaan abaaraha soo noq-noqotay ee ka jira dowlad goboleedka KGS.

Leave a Reply

Your email address will not be published.