Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Koox hubeysan oo ku dishay Muqdisho sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda

 

Cali Xasan Siyaad (Cali tariin), oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa lagu dilay goordhow magaalada Muqdisho, xili dilkiisa ay ka dambeeyen koox ku hubeysan bastoolado.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xiliga dilka loo geysanayay marxuumka uu ku sugnaa agagaarka Xerada Ciidamada ee Saban Saban ama (77), taas oo u dhow Aargada degmada Deeyniile.

Waxaa la sheegay in kooxdii dilkiisa ka dambeysay Cali Xasan Siyaad (Cali tariin), ay ka baxsadeyn falka kadib goobta, waxaase la tilmaamay in kooxda ay dilka kadib ka qaateen Sarkaalka bastoolad uu watay.

Sida caadada ah, waxaa goobta gaaray daqiiqado kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, iyagoo goobta ka sameeyay baaritaano la xiriira cidda ka dambeysay dilka marxuumka, iyadoo isla goobta laga qaaday meydka Marxuumka, waxaana la geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista e C.I.D-da.

Wali laamaha ammaanka wax faah faahin ah kama aysan soo saarin dilka maanta degmada Dayniile loogu geystay Sarkaalkaan lagu magacaabo Cali Xasan Siyaad (Cali tariin), inkastoo ay socdaan wali baaritaano aan cidna lagu soo qaban.

Leave a Reply

Your email address will not be published.