Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa goordhaw baahisay in dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool ay ku dileen saddex Sarkaal oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha la dilay ayaa magacyadooda lagu sheegay, Fu’ad Mahamed Khalif[Shengole] oo ahaa Madaxa abaabulka iyo Tashkiilinta kooxda Alshabaab, kamid ahaa madaxda sare ee kooxdaasi, Abdul Casiis AbuMuscab oo ahaa afhayeenka Al Shabaab ee dhinaca Howlgalada iyo guddoomiyihii Al-shabaab ee gobolka Bakool Cubayda Nuur Ciise, sida uu sheegay Jeneral Tasafaye Ayelow oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Itoobiya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab, kaasi oo ku aadan Hoggaamiyeyaasha sar sare ee Dowladda Itoobiya sheegtay in la dilay.