Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mareykanka oo sheegay in Al-shabaab gudaha u galeen Itoobiya

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Al-shabaab isku dayeen ay gudah u galaan dalka Itoobiya, weerarkii ay dhowaan ku qaadeen deegaannada ku yaalla Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay muddo badan qorsheynayeen.

Ku dhawaad 500 oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore markii ugu horeysay u gudbay dhanka bariga dalka Itoobiya, iyaga oo xuduudka kula dagaalamay ciidamada Itoobiya. Qiimaynta Maraykanku waxay muujinaysaa in laga yaabo inay gudaha u galeen Itoobiya ilaa 150 kiiloomitir ka hor inta aan la joojin.

“Waxay u muuqataa in Itoobiyaanku ay si weyn u xakameeyeen oo ay ka adkaadeen duullaankan,” ayuu yiri Jeneral Stephen Townsend, taliyaha xilka ka tagaya ee Taliska Mareykanka ee Afrika, Khamiistii mar uu la hadlayay Kooxda Qorayaasha Difaaca ee fadhigeedu yahay Washington.

Saraakiisha Itoobiya ayaa dhankooda sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.