Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo duqeyn ka geystay Siriya

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa markii ugu horeysay duqeyn la beegsaday gobalka Homs goobaha ay ka joogaan mucaaridka la dagaalamaya xukuumada Bashar Al Assad.

Ruushka oo todobaadyadii la soo dhaafay ciidamo iyo diyaaradaha dagaalka geeyey dalka Siiriya ayaa sheegay inuu la dagaalamayo kooxda ISIS, balse wararka kasoo baxaya dalkaasi Siiriya ayaa sheegaya in goobaha ay Arbacadii shalay diyaaradaha Ruushka duqeeyeen ay ku sugnaayeen dagaalyahanada ka soo horjeeda xukuumada Bishaar Al Asad.

Erectalis online, cheap dapoxetine. Dowladda Maraykanka ayaa ka digtay in Ruushka uu duqeyn la beegsado Mucaaridka qunyar socodka ah balse duqeyntooda ku ekeeyaan oo kaliya goobaha ay joogaan kooxaha ISIS iyo Al Nusra oo ka tirsan Al Qacida.

Ruushka ayaa u muuqda in uu wado abaabul balaaran oo uu ku xoojinayo Dowladda Siiriya ee Bashar Al Assad iyadoo ay muuqato inuu bartilmaameedsanayo dhamaan kooxaha mucaaridka ah ee Siiriya.

You must be logged in to post a comment Login