Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Aamina Muuse Wehliye oo iskaga tagay Universal Tv ,Xagee aaday ? (Akhri Warbixin ay soo dirtay)

Saxaafiyada caanka ah ee Aamina Muuse Wehliye ayaa iskaga huleeshay Telefishinka Universal Tv oo ay laf dhabar u eheed ku dhawaad mudo 2 sano ah.
Saxaafiyadaan oo tabin jirtay Barnaamisho aad loo la dhacay oo dad badan ay ku xirnaayeen ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay la guurtay ama horay u sii raratay Barnaamishyadii lagu jeclaa oo ahaa kuwo ay qudheeda hal abuurtay.
Boga Facebooka ayay Saxafiyadaan soo dhigtay Aqbaar cusub oo ay bulshada ugu sheegeeyso in ay ka tagtay Universal Tv waliba si toos ah ugu biirtay Tv-ga Caalamiga ah ee HCTV.
Warbixinta Aamina Muuse Wehliye kaga hadashay isbadalkaan cusub (Halkaan Hoose kala soco)
ā€ Maanta oo bisha March tahay 8, sanadka 2013-ka waxaan idiinla socodsiinayaa, in aan iska casilay si rasmi ah shaqadii aan u hayey taleefishanka UNIVERSAL oo aan la soo shaqeeyey si sharaf leh muddo ku dhow laba sannadood.
Waxaan u rajeynayaa mulkiilaha, maamulka iyo shaqaalaha walaalaheyga ah meel kasta ooy dunida ka joogaan, horuumar iyo baraare.
tageerayaasheyda waxaan leeyahay idinkama tagine, gurigii uun baan ka guuray, midka cusub oo aan degayna marti kama tihiin, waana isla socon doonnaa, iskana war qabi doonaa haddii eebbe yiraahdo.
Barnaamijyadii aad iiga barateen ee NALA FIIDSO, BANDHIGGA AMINA iyo kuwo kale oo hor leh-na waxaad ka daawan doontaan HCTV oo ay iminka suurta-gashay in aan wada gaarno heshiis wada-shaqeyneed oo rasmi ah, ka dib markii wadahadal iyo gor-gortan shaqo oo culusi uu noo socday aniga iyo milkiilaha Taleefishankaasi Farxaan Xaaji Cali, tan iyo bishii MAY ee sanadkii hore ee 2012-kii, gor-gortaankaas oo ay dad farabadan oo kale oo Soomaliyeedna ka qeybqaateenā€ .
Waxaan idin leeyahay kulligiin nabad iyo caano ku noolaada.
Amina Muuse Weheliye.
Luton, Bedfordshire.
United Kingdom.

You must be logged in to post a comment Login