Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Abu-Mansuur Al-Amriiki oo ka bad baaday isku day dil ah + Caddeyn & Sawirro

Cumar Xamaami oo sidoo kale loo yaqaan Abu Mansuur Al-Amriiki, oo ah Mareykan ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse ay kala irdhoobeen, ayaa sheegay inuu ka bad baaday shirqool kooxda Al-Shabaab ay u maleegtay oo ay ku dili lahayd.
Al-Amriki, ayaa boggiisa twitter-ka ku qoray in kooxda Al-Shabab ay isku dayeen inay dilaan oo ay saddex xabbad kusoo rideen, balse uu ka badbaaday, qoortana uu ka dhaawacmay.
Markii ay saacadda Muqdisho ahayd 9:00 habeennimo ee khamiis 25-kaApril, ayuu Al-Amriiki soo tweet gareeyay sidan:-

Hamami-tweet1

“Waxaa goordhow qoorta iga toogtay khaarejiyayaal Al-Shabab, weli xaaladeydu halis ma aha”
Waxyar kadib ayuu haddana Al-Amriiki soo tweet gareeyay sidan:-
Hamami-tweet1-2

“Waxaan fadhiyaa meel shaaha lagu cabo, saddex xabbad ayaa dhinaca dambe ee bidix iga heshay, waxa ay ahayd bistoolad, waxaan filaa way carareen”.
Sawirrada dhaawaca Al-Amriiki ee halkan ka arag.
amriki-3

amriki-11

amriki-2

You must be logged in to post a comment Login