Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Abwaan Taban-Taabo oo Xanuun dartiis ugu Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Muqdisho_Somalia_Caasimadda_HOL Allaha u naxariistee waxaa xalay Degmada War-dhiigley ee Gobolka Banaadir ku Geeriyooday Abwaan Maxamed Warsame Jaamac oo ku magac-dheeraa [Taban-taabo] kana mid ahaa Abwaannada Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugnaa Sannadihii ay colaaduhu socdeen.

Abwaanka Maxamed Warsame Jaamac Taban-Taabo oo muddooyinkan uu Xanuunsana  ayaa xalay ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla degmada Wardhiigley; iyadoo lagu wado in maanta lagu aaso Muqdisho.

cheap zoloft, cheap Zoloft. “Marxuum Taban-taabo Wuxuu u Geeriyooday Xanuunka Macaanka ama Sokorowga oo uu muddo la xanuunsanaa,” ayay warbaahinta u sheegeen Ehellada Marxuumka, waxaana uu ka mid ahaa abwaannada sida weyn looga yaqaanno Soomaaliya oo dhan.

Sidoo kale, abwaanka ayaa curiyay heeso fara badan oo isugu jira kuwo jacayl ah iyo kuwo waddani ah, isagoo intii uu noolaa si aad ah ugu guubaabin jiray shacabka Soomaaliyeed inay ka tagaan Qabyaalladda oo ay ka shaqeeyaan sidii dalku uu nabad ku nqoon lahaa.

Ugu dambeyn, Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo ehellada marxuum Taban-taabo, iyagoo EEBBE uga baryeen Janno iyo naxariis.

 

You must be logged in to post a comment Login