Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Akhriso Warbixin alshabaab oo qorshe cusub uga taqluusaya Shacabka Muqdisho

Hogaamiyaasha ugu sareeya xarakada Al Shabaab ee kala ah Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahim Afghan ayaa waxa ay qarka u saaran yihiin in ay ku guuleestaan hamigoodii ahaa in dhinacyo badan laga cuuryaamiyo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Hogaamiyaashaan oo ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee maamulka Somaliland waxaa inta badan lagu xantaa in Jihaadkooda uu ku eg yahay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda waliba marar badan ay ku andacoodeen in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin rag ay ku sheegeen Mujaahidiin iyaga si wanaagsan wax uga maqasha.

Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahim Afghan ayaa markaan waxaa quus ka taagan shacabka magaalada Muqdisho maadaama ay bilaabeen qorshe lagu qarxinayo Hay’adaha caalamiga ah si shaqaalaha Hay┬┤adahaan ay uga kala cararaan magaalada Muqdisho waliba sawir xun loo tuso cabsina loo galiyo Hay┬┤adaha kale ee ku soo jeeda magaalada Muqdisho oo sanadaan dambe noqotay meel shidan oo nabadgalyadeeda aad loo amaanay .

Ragaan oo iminka ugu sareeya hogaanka ururka Al Shabaab ma laga yaabo inay mar quraa tagaan gobolada Waqooyi ee maamulka Somaliland waxeeyna taas badalkeeda ka door bideen in magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda laga fuliyo Qaraxyo lagu hoobtay oo ugu dambeeyntii ku soo aruuray in laga taqluuso Hay’adaha caalamiga ah ee bulshada caawiya ama gar gaara.

You must be logged in to post a comment Login