Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al Shabaab iyo Xoolo Dhaqato ku dagaalamay Deegaanno Hoostaga Gobolka Hiiraan

Al Shabaab iyo Xoolo Dhaqato ku dagaalamay Deegaanno Hoostaga Gobolka Hiiraan
Published on November 30, 2013

Dagaal khasaaro sababay oo u dhexeeya Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo dad Xoolo dhaqato ah ayaa manta waxa uu ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Inabaal oo 25 Km Waqooyi kaga beegan Maxaas.

Dagaalka oo aan la ogeyn Khasaaraha Rasmiga ee uu geystay ayaa hadana dadkii ku dhaawacmay waxaa loola cararay Isbitaalada ku yaalla Magaalooyinka Buulo Barde iyo B/weyne oo dhammaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Deegaanka lagu dagaalamay waxaa haatan gacanta ku haya Dadkii Xoolo dhaqatada ahaa oo go’aansaday in ay la dagaalamaan Ururka Al Shabaab kadib markii ay ku soo rogeen Go’aanno Sakawaat Uruurin ah ee Xoolo looga qaadayo dadkaasi.

Si kastaba Xaaladda ayaa Iminka Degan , inkastoo la soo sheegayo in Al Shabaab haatan ay isku soo Uruursanayaan Deegaanada ku teedsan halka lagu dagaalamay.

You must be logged in to post a comment Login