Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

 Al Shabaab  lagu xukumay Muqdisho

buy Cialis Professional online cheap, zithromax online.

Sep 16, 2015

Waxaa maanta Maxkamada Ciidanka qalabka Sida ay xukun ku riday Seddex qof oo la sheegay inay ahaayeen kuwo la shaqeenayey Ururka Al Shabaab.

Maxkamada Darajada Koobaad ee ciidanka Qalabka Sida ayaa maanta ufariisatay dacwad ciqaabeed kuwaasi oo la xukumay dadkaan oo sameyn jiray walxaha qarxa lagana soo qabtay dhawaan Degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa waxa uu saxaafada usheegay inay dembiga kusoo cadaatay Eedeysanayaashaani kuwaasi oo Xabsi daa’in lagu xukumay.

Weli Al Shabaab kama aysan hadlin xubnahaan la sheegay inay iyaga la shaqeyn jireen ee maanta lagu xukumay Magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login