Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al shabaab oo amaro culus iyo xabsi dul dhigay dadka

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug, Shabaab ayaa xalay waxa ay deegaankaasi ku xir xireen dad ka mid ahaa dadka deegaanka Camaara.

Dadkaan ay Shabaab xireen, ayaa waxaa ku jiray nin ganacsade ah oo caan ka ahaa deegaanka, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Axmed, waxaana Shabaab ay ku eedeynayaan ninkaan inuu allaab ganacsi ka keenay Magaalada Cadaado oo ah xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa waxa ay xireen saddex ruux oo kale, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin Maamulka Galmudug, xilli Shabaab ay si aad ah u koontaroolayaan dhaq-dhaqaaqa dadka deegaanka.

Wararka waxa ay sheegayaan in Afartaan ruux ay gacanta ugu jiraan Shabaab oo xalay la xiray, ilaa hadana ay xiran yihiin, iyadoo arintan aysan jirin cid Shabaab kala hadashay, maadaama dadka deegaanka ay ka baqanayaan Shabaabka Deegaanka Camaara ku sugan.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in dadka deegaanka oo ka carooday tallaabada Shabaab ay ku qabsadeen deegaanka Camaara inay wadaan dhaq-dhaqaaq hoose oo ku aadan sidii Shabaabka qabsaday deegaankan ay isaga dul qaadi lahaayeen, inkastoo awood ahaan aysan u babac dhigi karin Shabaabka.

Maamulka Galmudug oo shalay shir deg deg ah ka yeeshay Shabaabka ku sugan deegaanka Camaara ayaa sheegay inay bilaabayaan qorshe Shabaab halkaasi looga saarayo. buy Cialis soft FRUIT online cheap, zithromax reviews.

You must be logged in to post a comment Login