Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al Shabaab oo gudaha ugalay Degmada Baardheere

Ururka Al Shabaab ayaa dagaalamayaal katirsan waxay weerar ku qaadeen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyadoo halkaasi dagaal culus uu ka dhacay.

Xalay Saqdii dhexe ayuu weerar ku qaadeen Al Shabaab fariisimo ciidanka dawlada iyo Kuwa AMISOM kulahaayeen degmadaasi.

Lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay hase ahaatee dadka deegaanka waxay sheegeen inay maqlayeen rasaas culus oo la is weydaarsanayey.

Warar kale ayaa xaqiijinaya in Al Shabaab ay gudaha degmada kusugnaayeen muddo ay ka dagaalamayeen walaw markii dambe iskaga baxeen.

Labo bil ka hor ayey aheyd markii Al Shabaab laga saaray degmada Baardheere waxaana dhowr jeer ay weeraro gaadmo ah ka fuliyeen degmadaasi.

You must be logged in to post a comment Login