Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka al shabaab ee Shabeelaha Hoose Oo Dayactir Ku Bilaawday Qeybo Katirsan Webiga Shabeelle.

Maamulka Al shabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa dayactir ku bilaawday qeybo kamid ah wabiga Shabelle oo aan wax dayactir ah helin muddo 22 sana ah.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla oo ah gudoomiyaha shabaab ee gobolka shabeelaha hoose warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Wabiga shabelle uu ka baaba’ay inta u dhaxaysa,Sablaale,Hawaay,Dacaaraha,Kuunya Baroow illaa badda uu ka galo,waaligu wuxuu sheegay in Wabiga uu deegaanadaasi gaari waayay isagoo naqday dhul barxad ah arrinkaasi oo dhibaato gaarsiiyay dadka iyo duunyada.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose ayaa dhinaca kale sheegay in ay dhismo ka bilaabeen wado xiriirisa Janaale iyo Tuulooyin kale oo ay dhibaato ku qabaan dadka iyo gaadiidka.
Wabiga Shabelle ee mara Baledweyn ayaa horay u fatahay taas oo keentay baqdinta hada uu ka muujinayo fatahaad Wabiga Shabelle Maamulk Al Shabaab ee sh/hoose.

You must be logged in to post a comment Login