Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al shabaab oo la wareegay Degmooyinka Qoryooley iyo Awdheegle Kadib Markii ay isaga Baxeen Ciidamada AMISOM.

Ciidamada xarakada Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmooyinka Awdheegle iyo Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wariye ku suggan shabeelaha Hoose ku sugan ayaa soo sheegay in ciidamada  AMISOM ay isaga baxeen degmada Qoryooleey halka degmada Awdheegle ay shaleey gelinkii dambe ka baxeen maleeshiyaad taabacsanaa DF-ka.

Boqolaal katirsan ciidamada Al shabaab ayaa lagusoo waramayaa in si feejignaan ah ay ugelayaan degmooyinka iyo deegaanada AMISOM isaga baxday.

Sidoo kale ciidamada Al shabaab ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada Mubaarak iyo Daaru salaam oo shabeelaha Hoose ka wada tirsan.

 

buy Super Tadarise online cheap, cheap dapoxetine.
Guddoomiyaha degmada Qoryooley ugu magacaaban Dowladda Federaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ay si xun ula dhaqmeen saraakiishii maamulkiisa “Ciidamada AMISOM way naga carareen aniga oo guddoomiyaha Qoryooley ah lug ayaan ku tegay shalaanbood kaidb markii ay noo diideen in aan horay usii raacno”ayuu yiri guddoomiyaha Qoryooleey.

You must be logged in to post a comment Login