Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Al-Shabaab oo xoog ku qabsaday deegaan ka tirsan dalka Kenya

Ururka Alshabaab ayaa weerar qasaaro geystay ku qaaday deegaan ka tirsan gobolka Lamu ee dalka Kenya, halkaasi oo dad badan ay ku dileen sida lagu baahiyay baraha Internetka ee taageera Alshabaab.

Ciidamada Alshabaab ayaa weerar ku qaaday deegaanka Milimani oo ka tirsan gobolka Lamu, sida Alshabaab ay sheegteen.

Sidoo kale Alshabaab ayaa sheegay iney dadka deegaanka kula dukadeen halkaasi kadib markii muddo hore la wareegeen deegaankaasi oo ka tirsan Lamu.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay askar ka tirsan ciidamada Kenya oo ku sugnaa deegaanka, halkaasi oo Alshabaab marar badan weeraro ay ku qaadeen.

Al-shabaab ayaa weeraro dad badan ku dhinteen ka geystay deegaanada gobolka Lamu halkaasi oo ciidamada kenya qasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray.

Tastylia no rx, buy lioresal.

You must be logged in to post a comment Login