Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Amaanka Muqdisho oo si aan horay loo arag Caawa loo adkeeyay

Ciidamada Amaanka dowlada ayaa adkeeyay Amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana Ciidamo badan la soo dhigay wadooyinka iyo Xarumaha Muhiimka ah ee Magaalada.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameynaayo gaadiidka,iyagoona gaadiidka raaxada ah ka qorayay Tarigada ay wataan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada amaanka warbaahinta u sheegay in Baaritaanada Ciidamadu ay wadaan kor loogu qaadayo Amaanka Caasimadda islamarkaana looga hortagayo Weeraro ay Magaalada ka geystaan Al-shabaab.

Caawa ayaa ku asteysan 17 Badar oo inta badan Kooxda Al-shabaab looga bartay inay weeraro ka geystaa qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho, taasi oo sabab u ah xaqiijinta amaanka Magaalada. buy Forzest online cheap, buy clomid.

Wadooyinka caawa xirxiran ayaa waxaa kamid ah Maka al-mukarama, wadada gasha gaaroonka Aadan Cadde, sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay amaanka Xarumaha Dowlada oo lagu arkayaa Ciidamada Qaranka oo gaashaman .

Jawiga ayaa ah mid degan waxaana wadooyinka qaar ka muuqanaayo Ciidamo iyo dad shacab ah oo kawada shaqeynaayo amaanka Magaalada.

You must be logged in to post a comment Login