Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ambasador Ameeriko oo lo diiday inuu galo…

Aug 16, 2015

Safiirkii Hore ee Soomaaliya ufadhiyey Dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa lagu soo waramayaa in loo diiday Degmada Beladweyne inuu gudaha ugalo.

Danjire Ameeriko oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa Gobolka G/gaduud dhawaana xaflad soo dhaweyn loogu sameeyey Degamda Cadaado ayaa sheegay in la isku hor istaagay Degmada Matabaan xilli uu Beled-weyne kusii jeeday.

“Waxa la igu war geliyey markii aan matabaan Imid inan geli karin Gudaha Belad-weyne,mana ogi ilaa hadda sababata la ii celiyey ayuu yiri Maxmaed Cali Ameeriko”.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Amar kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaana lagu hor istaagay Danjiraha inuu B/weyne gaaro.

nolvadex buy, buy Zoloft online.

Mar uu ka hadlay Socdaalkiisaan ayuu Ameeriko ku sheegay mid uu ugu magac daray “Socdaalkii Nabada“.

You must be logged in to post a comment Login