Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Amisom oo sheegtay inay tababari doonto lix boqol askari oo Soomaali ah (Daawo Sawirada)

nolvadex where to buy, Zoloft reviews. Taliska Booliska Amisom, ayaa toddobaadkan ballanqaaday inay tababari doonaan lix boqol oo askari oo Soomaali ah, si ay qayb kaga noqdaan tallaabada nabadda looga dhalinaayo Somaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Anand Pillay waxa uu hadalkan ka sheegay kulan uu Magaalada Baydhabo kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan iyo Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyada Ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed.

Taliyaha, ayaa waxa uu ku wargeliyay xubnahaasi in Amisom ay lix boqol oo askari u tababari doonto Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo markaasi la ballaarinaayo Xoogaga Booliska ee hadda jira.

“Waxaan halkaan u joognaa inaan samayno qayb ka mid ah taageerada aan idin samayno. Waxaan jeclaan lahayn inaan Ciidanka Booliska Somaliyeed siino tababar muddo cayiman ah.” Ayuu yiri Anand Pillay.

Warbixin ay soo saartay Amisom, ayaa waxaa lagu sheegay inay garab tahay Maamulka Koonfur Galbeed, kana caawin doonto Dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.

Anand Pillay, ayaa saddex goor booqasho ku tagey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay, tan iyo markii uu xilkaasi qabtay. Booqashadiisii ugu dambeysay, ayuu Baydhabo ku tagey Talaadadii.

Amiso Amiso1 Amiso2 Amiso3 Amiso4 Amiso5 Amiso6 Amiso7

You must be logged in to post a comment Login