Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Askar ku dhaawacantay weerarkii Ismiidaaminta ee shalay oo Imaaraadka Carabta loo qaaday (SAWIRRO)

Labo Askari oo ku dhaawacantay weerarkii Ismiidaaminta ee shalay lagu qaaday Saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta loo qaaday dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu soo daaweeyo.

Askartaan oo dhaawacooda aad u culus yihiin ayaa loo arkay inaan lagu daaweyn karin dalka, ayna u baahan yihiin gar-gaar caafimad oo dhanka dibada ah si loo baxnaaniyo.

Sawiro laga soo qaaday Askarta ayaa muujinaya dhaawacyada culus ee Askarta ka muuqata.

Waalidiinta dhalay Askartan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka mahadceliyay tallaabada Dowladda Imaaraadka Carabta ay dalka dibadiisa ugu qaaday caruurtooda.

Labadaan Askari ayaa ku dhaawacmay weerarkii shalay ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska Tarabuunka oo lagu qaaday Saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta oo la socotay kolonyo gaadiid ah.

Weerarkaasi Ismiidaaminta waxaa ku dhintay dad gaaraya 15-ruux in ka badan 20-ruuxna waa ay ku dhaawacmeen.

99 107 120 126 Cialis Jelly without prescription, buy zithromax. 134 216 316  512  712 1110

You must be logged in to post a comment Login