Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Askar lagu Toogtay Magaalladda Muqdisho iyo kala carar kii ugu darnaa oo xaleey ka dhacay halkii lagu dilay askartaasi

Dabley hubeysan ayaa waxa ay xaleey Toogteen Labo Askari oo ka tirsanaa Ciiddamadda Dowladda, Xilli ay ku sugnaayen Isgoyska Bakaaraha ee Degmadda Howlwadaag ee Magaalladda Muqdisho.

Koox Toogashada geysatay, ayaa waxa ay dilka kadib ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay, iyadoona sida caadada aheyd ay isla markiiba goobta soo gaareen Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda.

Dilka kadib, ayaa waxaa mar qura kala carar tii ugu darneyd ka dhacay Isgoyska, iyadoona ay Ciiddamadda Dowladda xireen gabi ahaan Isgoyska halkaasina ku qabqabteen dad masaakiin ah oo ay lala xiriirinaayaan dilkaasi.

Asbuucii ugu dambeeyay ayaa waxaa gacanta kasii baxaayo Ammaanka Magaalladda Muqdisho, waxaana lagu soo waramayaa in Ciiddamadda Ammaanka ay muujinayaan habacsanaani ku aadan dhanka Ammaanka.

You must be logged in to post a comment Login