Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Awooda baarlamaanka DFS oo lagu tuntay

Brand Viagra online, cheap zithromax. Xildhibaan Max’uud Cali Magan oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Maamulka Jubba iyo Baarlamaanka maamulkaasiba ay yihiin Sharci darro islamarkaana Baarlamaanka Soomaaliya ee Federaalka uu mar hore kala diray.

Xildhibaanka oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in go’aankii Baarlamaanka Federaalka uu yahay midka saxda ah islamarkaana Madaxweynaha iyo ra’isalwasaaruhuba ay sharciga qeyb ka jebinayaan kadib markii ay ka qeyb galeen Munaasibad lagu caleymasaarayay madaxweynaha Maamulka Jubba oo uu doortay sida uu hadalka u dhigay Baarlamaan aan Xalaal ahayn.

Waxaa uu sheegay in go’aankii Baarlamaanka Federaalka uu ku kaladiray Baarlamaanka Jubba ay tahay in laqaato,waxaana uu ku eedeeyay IGAD in ay iyada maamuleyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Waxaa uu Xildhibaan Magan intaa ku daray in Urur Goboleedka IGAD loo sameeyay kaliya in lagu gumeysto Soomaaliya oo lagu kala qeybiyo.

Xildhibaan Max’uud Cali Magan ayaa uga digay Soomaalida in ay qaataan Federaalka oo uu sheegay in dibadda looga keenay lana doonayo in lagu kala qeybiyo si qolaba gooni loogu xukumo.

You must be logged in to post a comment Login