Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Baarlamaanka Puntland oo awaamiir ka dhan ah Dowladda Somaliya ka soo saaray shirkii kaga soconaayay Garoowe

Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa maanta shan qodobo ka soo saaray shirkii toddobaadkii la soo dhaafay kaga bilowday Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Saciid Xasan Shire oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa kaga dhawaaqay shanta qodobo ee ay shirka ka soo saareen.

Akhriso qodobada

1: Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray Dastuurkii lixda saxiixayaal uu yahay kii rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aanan sharci ahayn online sildenafil, lioresal reviews.

2: Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray xeerarka Baarlamaanka FD ansixiyay oo aan lagala tashan maamulka Puntland sida uu qabo 111 ee dastuurka DFS, kuwaasoo aanan sharci ahayn, Puntland-na aanan ka shaqayn karin.

3: Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray inaanayn sharci ahayn, guddiga dib u eegista Dastuurka DF, guddiga doorashooyinka, guddiga xaduudaha iyo arrimaha federaalka kamana shaqo gali karaan dhulka Puntland

4: Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray in dhismaha dowlad-gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka Federaalka qodobkiisa 50- farqadiisa lixaad oo ah labo gobal iyo wax ka badan aanan waxba ka jirin Puntland aanayn aqoon-sanayn.

5: Baarlamaanka Puntland waxa uu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga kan xiga qodobaddaasi dowladda Federaalka inay wax ka badashay oo dariikhii saxda ahaa kusoo celiso iyo in kale.

You must be logged in to post a comment Login