Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Barakacayaasha Gaalkacyo oo dhaliilay Ra’iisul wasaaraha

Qoysaska barakacayaasha ee ku nool Koofurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegeen in xili xaaladooda ay liidato uusan wax ahmiyad ah siin Ra’iisul wasaaraha oo booqasho ku jooga gaalkacyo.
Macalin maxamed Sheekh Ibraahim oo ka mid ah barakacayaasha Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu dhinac maray barakacayaasha taasina ay ka dhigan tahay in wax ahmiyad ah aan la siinin, isaga oo sheegay in xaaladooda ay adag tahay.
Sidoo kale Haweeney ka mid ah barakacayaasha Koofurta magaalada Gaalkacyo ayaa xustay in ahmiyad weyn ay ugu fadhido booqashada Ra’isul wasaaraha islamarkaana ay niyad dhis u tahay balse aysan taasi dhicin.
Barakacayaasha ayaa ku nool xaalado adag oo dhinac nolosha oo ay ugu horeyso cunada iyo caafimaadka.

You must be logged in to post a comment Login