Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Beesha Sheekhaal oo beesha caalamka ka dalbatay in Ciidamadda Kenya laga badalo Kismaayo oo Baladwayne loo wareejiyo

Mid kamid ah Siyaasiyinta kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka gaar ahaan Beesha Sheekhaal oo ka hadlay arimaha ka taagan Jubbooyinka ayaa si kulul u weeraray Siyaasiyinta gacanta ku haya Mamulka Jubbaland iyo Ciidamadda Kenya ee ku sugan gobolada Jubbooyinka.

Halkaan dhufo si aad u dhageysato hadalka beesha Sheekhaal
Siyaasiga ayaa sheegay Ciidamadda Kenya ee ku sugan Jubbooyinka arimaha halkaasi ka taagan inaysan dhex dhexaad ka ahayn, wuxuna ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa in la badalo Ciidamadda Kenya isla markaana Jubbooyinka la keeno Ciidamada ku sugan Hiiraan iyo Bay Ciidamadda Kenyana ka lageeyo deeganadaasi.
Siyaasiga ayaa sheegay inuu ku hadlayo magaca Beesha Sheekhaal isla markaana ay dagaan inta badan gobolada Jubbooyinka, isagoona sheegay in la arki doono cida ku badan gobolkaasi iyo Cida ku yar.

You must be logged in to post a comment Login