Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Booliska Puntland oo Dhalinyaro Daacish Lagu Ogaa Soo bandhigay

Oct 6, 2015

Taliska Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay 13 Dhallinyaro ah oo uu sheegay in ay dhawaan ka dhoofeen Xeebaha Gobolka Sanaag, kuwaas oo Warbaahintu ay qortay in ay ku biireen Ururuka Daacish ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in Warbaahinta ay ka beensheegtay Dhallinyaro ka baxay degaanka Dur duri oo u dhow Laas Qori halkaas oo dadka degaanka ay sheegeen ay Dhallinyaro ka dhoofeenkuwaas oo ay rumeysan yihiin in ay ku biireen Uururka Daacish.

Taliyaha ayaa sheegay in ay la xiriireen Jaaliyadda Soomaalida Yemen e islamarkaana ay ka codsadeen in ay Dhallinyaradaasi qabtaan haddii ay helaan taas oo keentay in la qabto 13 ka mid ah Dhallinyaradaasi.

waxaa uu sheegay in Soomaali Yamani ah uu ka shaqeeyay in ay Tahriibaan kaas oo ugu tala galay in ay aadaan Liibiya iyaga oo maraya Ninka lagu magacaabo magafe, islamarkaana uu Ninka Soomaali Yamaniga ah lacag badan ka qaadayay.

You must be logged in to post a comment Login