Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Boqolaal arday ah oo ka qalin-jabiyay Jaamacada Soomaaliya UNISO ee Muqdisho (SAWIRRO)

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu Qabtay Xaflad ay ku Qalin-jabinayeen 807 Arday oo soo dhameystay Darajada Koowaad ee Waxbarashada Sare ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO).

Munaasabadda oo ka dhacday Hotel City ee Degmada C/casiis ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxda Jaamacadda, Wasiirro, Xildhibaanno, maamulka Gobalka Banaadir, Madaxda Bulshada Rayidka ah, Waaliddiin, Mas’uuliyiin ka socotay Shirkadaha dalka ka jira iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku xigeen ahna madaxa Waxbarashada Jaamacadda UNISO, Prof. Maxamed Nuur Warsame ayaa oo futitaankii Munaasabadda ku faahfaaiyay taariikhdii ay soo martay Jaamacadda tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2005-tii.

Intaas kaddib waxaa isagana hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya, C/raxmaan Macalim Axmed (Ablaal) oo hambalyeeyay ardeyda Qalin-jebisay, isagoo khudbadiisa ku yiri. “Waan idin kugu hambalyeynayaa guusha aad ka gaarteen waxbarashada heerka 1-aad ee Jaamacadda. Waxaan u mahad-celinayaa Waaliddiintii Ilmahooda nagu Aaminay si aan wax-u-barno. Waxaan kaloo u mahad-celinayaa cid kasta oo maalin Jaamacadda Somalia kasoo shaqeysay.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah (SOSCENSA), C/llaahi Maxamed Shirwac oo ayaa wuxuu sheegay in ardeyda tirada badan ee maanta Qalin-jebisay inay ku gudban yihiin caqabado fara badan oo loo baahan yahay in ay u guntadaan sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaa isaguna hadlay Guddoomiyihii hore ee Midowga Ardeyda Jaamacadda Soomaaliya, C/weli oo ku hadlayay magaca Ardayda Qalin-jebiyaasha ayaa xusay inay maanta u tahay maalin taariikhi ah oo ay gaareen yool ay in badan ku haminayeen.

Qalin-jabinta ayaa ahayd tii lixaad tan iyo markii la aasaasay Jaamacada UNISO, waxayna sidoo kale ahayd munaasabadii ugu ballaarnayd oo Arday darajada 1-aad ee Waxbarashada sare soo dhameystay oo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirrada, Xildhibaannada Munaasabadda yimid iyo Madaxda Jaamacadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn wuxuu shahaadooyin Guddoonsiiyay qaar ka mid ah ardaydii Qalin-jebineysay.

Dhankka kale waxaa ka hadlay Munaasabadda Guddoomiyaha Guddiga sare ee Jaamacada Soomaaliya oo u mahad-celiyay ardaydii dadaalkii ay bixiyeen ku guuleystay, Waalidiintii Guushaas dhinacooda ka suuro-geliyay, Maamulkii iyo Macallimiintii Jaamacadda oo uu sheegay inay adkaan laheyn in la’aantood in la gaaro yoolka ay ardaydu higsanayeen.

Ugu dambeyn, Ardayda tiradoodu ahayd 807-da ee Qalin-jebiyay ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu badnaa ee Jaamacadda ka qalinjabiya mar qura, iyadoo sannadkii lasoo dhaafay Jaamacadda ka qalin-jabiyeen 500 oo ardey oo wiilal iyo hablo isugu jiray.

20158206357563620769918874 201582063575636231480412215 buy Viagra Caps online, generic zithromax. 20158206357563614908994026 201582063575636131199335111

You must be logged in to post a comment Login