Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Carruur loo qeybiyay dhar ay ku ciidan farxadda ciidul adxa “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee gobalka Banaadir Axmed Cabdule Afrax ayaa maanta deeq dhar ah oo loogu talagalay in ay ku ciidan gaarsiiyay xarunta Maama Sahra Charity Degmada C/casiis oo ah xarun lagu dhaqan celiyo carruurta darbi jiifka. where can i buy clomid pills, acquire lioresal.

Dadka deeqda la gaarsiiyay ayaa isugu jira carruur dhallinyaro iyo dad da’ah ah, iyagoo wajiyadooda laga dheehan karo farxad si ay ugu qeyb Qaatan faraxda Ciidul Adxa.

Qaar ka mid ah dhallinyarada deeqda dharka ah la gaarsiiyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin deeqda la soo gaarsiiyay, ayna Guddoomiyaha uga mahadcelinayaan kaalmada uu gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee gobalka Banaadir Axmed Cabdule Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kaalmadan uu ugu talagalay in carruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi ay farxadda ciidda la qeyb sadaan carruurta kale.

1991 markii ay bur burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa gudaha dalka waxaa aad ugu batay carruur darbi jif ah oo Isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, balse xarunta Maama Sahra Charity ee Degmada C/casiis oo ah xarun lagu daryeelo carruurta ayaa ah mid dhawaan halkaasi laga hirgeliyay.

vlcsnap-2015-09-22-16h21m32s37vlcsnap-2015-09-22-16h21m40s109

vlcsnap-2015-09-22-17h20m19s167vlcsnap-2015-09-22-17h20m30s45vlcsnap-2015-09-22-17h20m42s177vlcsnap-2015-09-22-17h21m18s23vlcsnap-2015-09-22-17h21m48s73vlcsnap-2015-09-22-17h21m52s133vlcsnap-2015-09-22-17h22m15s103vlcsnap-2015-09-22-17h22m33s1

You must be logged in to post a comment Login