Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Garaacday Man United Halka Semi-finalka FA Cup Oo Ay Man City Wajihi Doonaan.

Gool kaliya uu dhaliyay Demba Ba ayaa ugu filnaa Chelsea inay 1-0 ku dubato kooxda Manchester United kulanka ku celiska wareega 8da FA Cup, iyagoo haatan wareega afar dhamaadka ku wajihi doonaa Manchester City.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si caajis ah iyadoo labada kooxood aysan abuurin wax fursado waa weyn ah qeybtii hore, iyadoo Chelsea ay dhabarjab xoogan ku aheyd daqiiqadii 20aad ee ciyaarta dhaawac ka soo gaaray Ashley Cole oo sababay inuu garoonka ka baxo.

Fursadii ugu horeysay ee fiicneyd waxaa heshay Chelsea markii Demba Ba uu baas fiican ka helay Hazard ka hor inta uusan geeska midig ka soo toogan goolka, laakiin waxaa lugaha ku bixiyay goolhaye De Gea daqiiqadii 31aad.

10 daqiiqo ka dib Man United ayaa iyadana sigtay goolka Chelsea markii Hernandez uu kubad dheer ka helay De Gea uu darbo fiican goolka ku abaaray, laakiin Petr Cech oo dhinac u go’ay ayaa ku guuleystay inuu lugaha ku celiyo kubada.

Dhamaadkii qeybta hore ayaana ku soo dhamaatay si muran leh ka dib markii Man United ay ku andacootay rigoore markii uu diilinta ganaaxa ku duldhacay xilli uu ciriiri kala kulmay Bertrand, garsoore Phil Dowd ayaana tilmaamay inaysan rigoore aheyn.
article-2302012-1907F65F000005DC-552_634x375

Ciyaarta ayaana natiijadeeda ay isbedeshay afar daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad markii Juan Mata uu kubad fiican u soo qaaday Demba Ba kaasoo isna sii raaciyay kubada oo meel kore shabaqa ka geliyay xilli De Gea uu daawade ka ahaa.

Daqiiqadii 60aad Man United ayaa u muuqatay inay ciyaarta barbareysay markii uu Welbeck karoos fiican u soo dhigay Hernandez kaasoo madax u furnaa, laakiin Peter Cech ayaa si fantastik ah hal gacan kaga bixiyay kubadii halista aheyd.

You must be logged in to post a comment Login