Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada AMISOM oo Cabsi Owgeed uga guuray Saldhig ay ku lahaayeen Deegaanka katirsan Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya Deegaanka Tooro-Toorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamadii AMISOM ee deegaankaasi joogay ay saacadihii ugu dambeeyay ay faarujiyeen saldhigii ay halkaasi ku lahaayeen.

Dadka Deegaanka ayaa kusoo waramaya in Ciidamada AMISOM ay isaga baxeen deegaankaasi kadib cabsis kasoo wajahday in Al-Shabaab halkaasi kusoo qaadaan Weerar culus oo lamid ah kii ka dhacay Deegaanka Leego.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa deegaankaasi horey uga baxay, waxaana Deegaanka Tooro-Toorow oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab ku sugnaa Ciidamada AMISOM iyo ciidamo la sheegay in ay yihiin kuwa Deegaankaasi.

Wararka ana heleyno ayaa sheegaya in Deegaanka Tooro-Toorow ay durba gaareen Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab, dadka deegaanka ayaana ku waramaya in xaaladu dagan tahay ayna arkaan dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab.

Deegaanka Tooro-Toorow ayaa Al-Shabaab u ahaa saldhig muhiim ah ay kasoo weeraraan Fariisimaha Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Al-Shabaab deegaankaasi dhawaan ka saaray Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada oo wada jira.

Al-Shabaab ayaa jimcihii lasoo dhaafay Weerar qorsheesan waxa ay ku qaadeen Saldhig ay Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Leego, waxa ayna halkaasi ku dileen Ciidamo katirsan AMISOM oo kor u dhaafaya 60-askari. buy Zenegra, buy clomid.

You must be logged in to post a comment Login