Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Amisom oo labo maalin kadib dib u qabsaday Xerada ciidan ee deegaanka Leego

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo kuwa Dowladda Federalka Somalia ayaa la sheegay inay dib u qabsadeen Xerada ciidanka Amisom ee Jimcihii ay la wareegeen Ururka Al Shabaab, kadib markii dagaal aad u culus oo qorsheysnaa ay ku qabsadeen halkaasi.

Ciidamadaan oo saaka labo jiho uga soo dhaqaaqay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa maanta duhurkii la wareegay xerada Leego.

Jihooyinka ciidanka Amisom ay kasoo gala galeen Xerada Leego ayaa waxa ay kala tahay ciidamo kasoo dhaqaaqay Deegaanka Balli-doogle, ayaa waxay cagta saareen wadada aadda Deegaanka Leego, iyadoo Ciidanka Itoobiya ee Amisom ka tirsan, ay iyana kaga soo dhaqaaqeen dhinaca Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamadaan ay wehliyaan ciidanka Dowladda Federalka Somalia, gaar ahaan kuwa Guutada Lixaad ee Milateriga Dowladda.

Amisom war kooban oo ay goor dhaweyd ku soo qortay Boga Twitterka ee Amisom ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada Amisom ay dib u qabsadeen Xerada Leego, ayna socdaan howlgalo xaqiijin amniga ah.

Ciidamadan oo aad u hubaysan ayaa hada buux dhaafiyay Xerada Leego oo Shabaab ay dab qabadsiiyeen, waxaana guud ahaan difaacyadii Amisom ka muuqda bur bur iyo dab ay qabadsiiyeen Shabaabka,.

Amisom ciidankeeda marka ay qabsanayeen xerada ciidan ee Deegaanka Leego ma aysan la kulmin wax iska caabin ah.

buy Kamagra Flavored online, acquire Zoloft. Lama oga halka ay qabteen Shabaabkii ku sugnaa Xeradaasi ee Jimcihii qabsaday, inkastoo Shabaabka ay ka warhayeen dhaq-dhaqaaqa Xoogaga Amisom.

You must be logged in to post a comment Login