Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Dowladda Itoobiya oo isga baxay Magaala Xudur iyo Al-shabaab oo ku fool leh Magaaladaas.

Wararka naga soogaraya magaalada Xudur ee gobalka bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay guud ahaan isaga baxeen Magaalada Xudur ee Gobalka Bakool iyadoona la’arkayay Ciidamo farabadan oo Itoobiyaan ah oo isaga guuraya magaaladaas.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxaa sheegayaan in Ciidamadii Itoobiya ay kabaxeen Magaalada Xudur,waxaana magaalada ay hadda tahay mid cidla ah oo aan cidna ku sugneyn .

Sidoo kale waxaa wararka hadda soo baxaya ay sheegayaan in Magaaladaas ay meel u dhow ku suganyihiin Ciidamo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo lagayaabo in ay gudaha u galaan Magaalada.

Dad ka deegaanka ayaa waxaa ay ka cabsi qabaan in halkaas uu dagaal ka dhaco maadama lagayaabo in Ciidamada Al-shabaab ay gudaha ugalaan Magaaladaas Itoobiyaba ay ku soo laabto.

Ilaa iyo iminka lamaga oga sababaha ka danbeeya in Ciidamada Itoobiya ay isaga Baxaan Magaalada Xudur ee Gobalka Bakool ,halkaasoo in mudda ah ay ku sugnaayeen.

You must be logged in to post a comment Login