Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Dowladda oo xiray saddex Suxufi oo ka howlgala Magaalada Muqdisho

Ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somalia ayaa xiray saddex suxufi oo ka mid ah kuwa ka howlgala Idaacado ku yaallo Magaalada Muqdisho, xilli ay ku sugnaayeen Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

buy Vigora, clomid without prescription. Wariyeyaashaan ayaa saaka tagay Isbitaalka Madiina, waxaana u jeedada ay u tageen ay aheyd inay soo tabiyaan dhaawacyada Isbitaalkaasi la geeyay, maadaama dadkii ku dhaawacmay weeraradii xalay la dhigay Isbitaalkaasi.

Suxufiyiinta ay xireen ciidamada Dowladda ayaa kala ah Deeq Insaani oo ka howlgala Idaacada SKY FM, Wariye Joogle oo Mustaqbal Radio ka shaqeeya iyo Wariye C/rashiid Sandheere oo Idaacada Kulmiye ka tirsan.

Ilaa hada waxaan la ogeyn meesha la geeyay Wariyeyaashaan oo ciidamada ay u kaxeeyeen, inkastoo lasoo tabinaayo in lagu xiray goobaha ciidanka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa xariga loo geystay Wariyeyaashaan ka shaqeeya Magaalada Muqdisho ee maanta ciidamada ammaanka ay xireen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta loo xiray saddexdaan suxufi inay tahay inaysan soo tabin khasaaraha dhaawacyada ah ee la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawaca ah ee Isbitaalka Madiina la dhigay ayaa gaaraya 15-ruux oo qaarkood la sheegay inay xalay Isbitaalka ku geeriyoodeen.

Somalia ayaa lagu tiriyaa dalalka lagu caburiyo Suxufiyiinta.

You must be logged in to post a comment Login