Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada Itoobiya oo bilaabay inay ka baxaan magaalada Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen inay ka baxaan gudaha magaalada iyo deegaanada ku xeeran.

Dad kusugan Beledweyne ayaa soo sheegaya in ciidamada Itoobiya oo aad uhubaysan ay dhinaca xaduuda kaga baxeen magaalada Beledweyne.

Ciidamadan ayaa sidoo kale ka baxaya deeganada kale ee ku dhow magaalada Beledweyne ee markii hore ay kusugnaayeen gaar ahaan duleedka magaalada.

Saraakiisha maamulka dowlada ee Beledweyne ayaa soo sheegaya in ciidamada Itoobiya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay kaga baxayaan Beledweyne.

Dhawaan ayay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan gudaha Soomaaliya mudo yar uun kadib markii dowlada Soomaaliya ay garab kusiiyeen qabashada deegaano badan oo gobollada dalka ah.

Al-Shabaab ayaa la wareegay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo dhawaan ay Militeriga Itoobiya ka baxeen halka ay xaalado colaadeed ay ka jiraan deegaano kale oo laga cabsi qabo in Militeriga Itoobiya faarujiyaan.

You must be logged in to post a comment Login