Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada maamulka Puntand oo duleedka Degmada Boosaaso ku xasuuqay 13 ruux oo la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen

Maamulka Puntland ayaa dad shacab ah ku laayay magaalada Boosaaso kuwaasi oo ku eedaysan waxa loogu yeero argagaxisada.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya in xabsiga dhexe ee Boosaaso lagala baxay maxaabiis kadibna lalaayay,ilo wareedyo ayaa sheegaya in 13 maxbuus lagu toogtay magaalada Boosaaso mid kamid ahna ay tahay haweenay.

Toogashada ayaa ka dhacday duleedka magaalada Boosaaso xalay saqdii dhexe xilli dadka magaalada hurdayeen.
mid kamida askarta maamulka Faroole ayaa isna lagu dilay boosaaso warar kala duwan ayaa kasoo baxay sababta askariga loo dilay, wararka qaar ayaa sheegaya in askariga ladilay uu ka biya diiday in la toogtay qof kamid ah maxaabiista oo ay qaraaba ahaayeen halka wararka kale ay sheegayaan in si kam ah loo dilay.

Dhammaan dadkan muslimiinta ah ee lalaayay waxaa loo heystaa inay xiriila la haayeen Al shabaab ama ay ka tirsanaayeen
Arintaai ayaa ku soo aadeyso xili deegaanada ay maamulaan maamulka la baxay Puntland ay ku soo badanaayaan falal ka dhan ah nabadgalyad.

Warbaahinta ayaa loo diiday inay goobta tagaan, waxaana ammaanka goobta sugayay ciidammo ka tirsan kuwa milateriga iyo kuwa badda Puntland, iyadoo toogashadu ay ku dhacday si saf-mar ah.

Dadka la toogtay ee lagu eedeeyay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen kuwaas ayaa kala ahaa:

Axmed Maxamed Cali oo 18-jir ahaa.
Maxamed Abshir Cartan oo 20-jir ahaa.
Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo 28-jir ahaa.
Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane) oo 23-jir ahaa.
Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf oo 25-jir ahayd.
Maxamed Maxamuud Saacadoole oo aan da’diisa la sheegin.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Puntland, C/kariin Xasan Firdhiye oo ka hadlay dilka ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ku dhintay goobta ay toogashadu ka dhacday, kaddib markii ay ku dhacday rasaas ka mid ah kuwii lagu dilayay 13-ka qof ee la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen.

Ma jiraan sawirro laga qaaday dadka la dilay, marka laga reebo sawirro laga qaaday dadka lagu helay inay dileen Dr. Sheekh Axmed C/raxmaan xilligii ay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Puntland ay xukunka ku ridday 27-kii Feberaayo sannadkan.

You must be logged in to post a comment Login