Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidanka Barre Hiiraale Oo Si Buuxda Ula Wareegay Magaalada Kismaayo iyo Idaacaddii Axmed Madoobe Oo Hawada Laga Saaray.

Kadib dagaal saacado badan qaatay oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ayay ciidamada maamulka Jubbaland ee Barre Hiiraale madaxda ka yahay usuurtagashay in ay qabsadaan intabadan magaalada Kismaayo.

Goob Joogayaal ayaa Somalinimo1.com u sheegay in ciidankii Axmed Madoobe loo itaal sheegtay kadib markii xoog looga saaray dhammaan xarumihii muhiimka ahaa ee Kismaayo.

Xoogaga Barre Hiiraale waxay qabsadeen xarunta degmada Kismaayo saldhigga booliska,xarunta Gobolka K2,suuq Yaraha,suuqa shidaalka iyo dhammaan xarunta gaadiidka Viat.

Boqolaal katirsan xoogaga Jubbaland lamagac baxay garabka Barre Hiiraale madaxda u yahay ayaa caawa fiidkii lagu arkayay iyagoo ku roondaynaya aargada Kismaayo balse weli magaaladu waxay rimantahay colaad.

Idaacaddii ku hadli jirta Afka Maamulka Axmed Madoobe oo Hawada laga saaray.

Kadib markii loo itaal sheegtay maleeshiyaadka maamulkii Axmed Madoobe ayaa hawada laga saaray idaacadda Radio Kismaayo oo ku hadli jirtay afka maamulka KMG ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in FM-ta si dirqi ah lagula cararay gaari Roneet ah kadib markii ciidanka Barre ku dhawaadeen dhismihii ay ku shaqeynaysay oo markii dambe u gacan galay maamulka Jubbaland lamagac baxay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay dib ugu gurteen dhanka dekadda Kismaayo oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka Kenya.

Lama oga in Ciidanka Barre Hiiraale sii heysan doonaan magaalada iyo inkale waxaana xusid mudan in ciidanka Kenya ee xoogga ku jooga Kismaayo ay lasafanyihiin dhanka Axmed Madoobe.

Somalimidnimo

Kismaayo,Jubbada Hoose

You must be logged in to post a comment Login