Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidanka Somaliland Oo Xoog Ku Galay Xarun DF-ka Si Qarsoodi Ah Uga Furatay Magaalada Hargeysa.

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa albaabada isugu dhuftay Xafiis qaabilsanaa bixinta Baasaboorka DF-ka ee loo E.Baasaboor loo yaqaan.

Ciidamo katirsan maamulka magaalada Hargeysa ayaa xoog ku galay xafiiska waaxda Socdaalka ee DF-ka oo bilo ka hor si qarsoodi ah uga furatay Hargeysa wuxuuna xafiiskaasi bixin jiray Baasaboorka cusub.

Saraakiisha maamulka Somaliland waxay sheegeen in furitaanka xafiiskaasi yahay mid sharci darra ah oo meesha ka saaraya wax ay ugu yeereen madax banaanida Somaliland.

Inkastoo Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo ay bilo ka hor wadahadal ku yeesheen magaalada Istanbuud ee dalka Turkiga ayay Somaliland ku adkeysanaysaa in deegaanada ay maamusho aysan cagta soo dhigi Karin cid katirsan dowladda Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo kamid ah hoggaamiyaasha Mucaaradka Somaliland ayaa ka digay burburka maamulkaasi,Waraabe oo saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in uu guul dareystay aqoonsiga “Somaliland”.

“Ammaanka iyo Jiritaanka Somaliland halis weyn ayay ku jiraan Axmed Siilaanyo ma awoodo in uu si buuxdo gacanta ugu dhigo gobolada dalka”ayuu yiri Waraabe.

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa sanaddii 1991 ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale xiligaasi oo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Isha Warka:somalinimo1.com
Hargeysa Somalia

You must be logged in to post a comment Login