Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidmaada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo Baaritaano Xoogan Ka Bilaabay Magaalada Baydhabo

Sida aay Sheeegayaan warara aano kaheleyno magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka bilaawden howlgalo culus oo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM.

Howlgaladaan ayaa ka kala dhacaaya dhamaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhaba ay ka kooban tahay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dad badan soo qabteen.

Aadan Biidh oo ah taliyaha saldhiga booliiska ee magaalada Baydhaba ayaa inoo sheegay inay gacanta ku haayaan ku dhawaad 20 qof oo ka mid ah dad lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin Xarakada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxaa hakad ku jira isku socodka, ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeynaayay gudaha magaalada Baydhaba, waxaana howlgalkaan uu yahay mid ka culus kuwii hore.

You must be logged in to post a comment Login