Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Cumar C/rashiid Sheegay In Xuduudaha Maamulka Puntland uu yahay lama taabtan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa cadeeyay in xuduudaha Maamulka Puntland ay tahay mid laba taabtaan ah.
Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Somalia in Dastuurka Puntland ay ku cadahay xuduudaha Puntland halka ay ku taallo, wuxuuna sheegay in arimaha Galmudug iyo Puntland ay isku hayaan ay tahay arin ku aadan magaca Mudug kaliya, balse muranka uusan aheyn arimo xuduudo ku saabsan.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay  in ay wanaagsan tahay in la iswaafajiyo Dastuurka labada Maamul oo lagu kala cadeeyo arinta magaca Mudug, wuxuuna sheegay in arimahaasi laga shaqeyn doono.
Isaga oo hadalka siiwata Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxa uu sheegay xilligii uu socday shirka Magaalada Cadaado in isaga qudhiisa uu shirkaasi ka saaray dadka kasoo jeeda Puntland ee tagay Magaalada Cadaado, waxaana uu sheegay in dadkaasi uu u sheegay in shirka ay leeyihiin reer Gobolada Dhexe oo Puntland aysan shaqo ku laheyn.
Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa dadaal ugu jira sidii uu ku xalin lahaa khilaafka ka dhex taagan Maamulda Puntland iyo Galmudug, isaga oo hada ku sugan Magaalada Gaalkacyo.
Wuxuu kula kulmi doonaa Gaalkacyo sida wararka ay sheegayaan Madaxweynaha Galmudug oo Koonfurta Gaalkacyo ku sugan.
Hadalkaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay Magaalada Burtinle ee Deeganada Puntland oo Odayaasha Dhaqanka uu kula hadlaayay shalay.

buy Cialis Soft, buy zithromax.

You must be logged in to post a comment Login