Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO: Afweyne & Madaxweynihii hore ee Ximin iyo Xeeb oo la xakumay!!

Cialis Black no rx, buy lioresal online.

Sep 20, 2015

Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka soo muuqday maxkmad ku taala dalkaas Beljimka laakiinse waxa goobtaas ka maqnaa Maxamed Maxamed Cabdi Xasan Afweyne iyadoona maxkamada laga codsaday in ragaas lagu xukumo xukunka ugu sareeyo ee dalkaas Biljamka iyo ganaax gaaraayo ilaa iyo 10 Milyan oo Euro.

 

Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb Maxamed Macalin Aden Tiiceey ayaa waxaa uu ka soo muuqday maxkamad ku taala magaalada Brugge ee dalkaas Beljimka xilli uu goobtaas ka maqnaa oo uusana soo xaadirin Maxamed Cabdi Xasan Afweyne, Labadaan nin oo loo haysto inay ku lug lahaayeen kiis ku saabsan markab laga leeyahay dalkaas Biljamka oo lagu magacaabo Pompei oo sanadkii 2009 lagu qafaashay dalka Soomaaliya ayaa xeer ilaaliyuhu waxaa uu codsaday in lagu xukumo hogaamiye Maxamed Cabdi Xasan Afweyne xukun gaaraayo 20 ilaa 30 sanadood iyo inuu bixiyo lacag gaareeyeso ilaa iyo 10 Milyan oo Euro oo lagu sheegay inay ka soo gashay Burcadbadeednimada iyo qafaalashada Maraakiibta.

Laakiin xeer ilaaliyaha ayaa waxaa uu meesha ka saarey in madaxweynihii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb uusan wax cadeyn ah u heynin inuu ku lug lahaa qafaalashada markabkaas asagoona lagu soo eedeeyey inuu yahay qof hogaaminaayey ama ku howlan abaabul fal dambiyeedyo kala duwan taas oo loola jeeday inuu burcad badeeda uu u fududeynaayey howlahooda iyo waxyaabo badan oo kale iyadoona uu xeer ilaaliyuhu uu ka codsaday maxkamada in lagu xukumo xarig gaaraayo ilaa iyo 15 sanadood oo xarig ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo labadaas masuul ee Soomaaliyeed ay wali ku jiraan xabsi ku yaala dalkaas Beljimka ka dib markii si xirfadeysan oo qiyaano ah loogu soo xero galiyey dalkaas Biljimka ka dib markii loo sheegay in laga sameyn doono nolosheeda iyo tan burcad badeeda Filim ayaa garyaqaanka u doodaaya ragaas Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Hans Rieder waxaa uu sheegay inay ka baaqsadeen Maxkamada maadaama uu xeer ilaaliyuhu uu ku soo darey eedeymihiisa ilaa 2500 oo beej oo eedeymo ah oo aanay waxba kala socon arintaasna ay sababtey inay dib u gurtaan oo ayna soo dersaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen eedeymahaas cusub, Markabka Pompei ee lagu soo eedeeyey ragaan ayaa sanadkii 2009 waxaa lagu afduubtey Soomaaliya iyadoona lagu heystay halkaas mudo ka badan 2 bilood ka dibna lagu sii daayey ka dib markii laga bixiyey lacag madax fursho ah oo dhan ilaa iyo 2 Milyan oo Euro, Dacwada Maxkamadaan ayaa dib la isugu soo noqon doono 11ka Janaayo ee sanadka Soo socdo.

 

You must be logged in to post a comment Login