Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo: Agoonta iyo Masaakiinta Ku Dhaqan Degmada Galhareeri Oo Markale Lagaarsiiyay Lacago Ay Soo Direen Dad Qurba Joog Ah.

Dadka Danyarta ah ee ku dhaqan degmada Galhareeri iyo tuulooyinka hoos yimaad ayaa markale deeq lacageed ka helay dad muxsiniin qurbajoog ah waxaana talaabadan soo dhaweeyay dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka degmada Galhareeri Cabdi Nuur Sheekh Ibraahim oo warbaahinta kula hadlay madashii deeqda lacagta ah loogu qeybinayay dadka masaakiinta ah ayaa sharaxaad ka bixiyay lacagta ay qeybiyeen,halka ay kasoo gaartay iyo cadadka ay siiyeen.

Nabadoon Cabdi Nuur wuxuu sheegay in lacagta oo cadadeedu aheyd 1000$ ay dad muxsiniin ah oo dibadda joogo usoo direen carruurta agoonta ah,xaasaska liita iyo dadka aan waxheysan islamarkaana si siman ay ugu qeybiyeen deeqda dadkii loogu talagalay.

Wuxuu sheegay in lacagta lasiiyay 90 qof oo 62 qof oo kamid ah ay ku noolyihiin degmada Galhareeri halka inta kale ay ku dhaqanyihiin tuulooyinka iyo deegaanada degmada hoos yimaad.

Haweenka dhalay carruurta agoonta ah oo iyana warbaahinta lahadlay ayaa jaaliyadaha muxsiniinta ah ee lacagta usoo uga mahad celiyay dadaalkooda waxayna Allaah uga baryeen in uu ka abaalmariyo sadaqada ay baxsadeen.

Waxgaradka degmada Galhareeri ayaa dadka muxsiniinta ah ee dibadda jooga ku bogaadiyay in ay sii wadaan wax uqabashada agoonta iyo dadka masaakiinta ah.

Waa Markii 2-aad oo bishan gudaheeda ay lacago deeq ah soo gaarto agoonta iyo dadka tabaalaysan ee ku dhaqan degmada Galhareeri iyo tuulooyinka hoos yimaad.

Hoos Ka Daawo Sawirada Carruurta iyo Hooyooyinka Deeqa Loo Qeybiyay
057CE

cUqJ1

D1xfN

Dcee9

e1nxw

F7k4Z

fhOu7

G0M7S

Go32L

hgylF

IX7D5

KG6sV

kwfzK

mU5vT

OcbD4

rBUpj

voskX

You must be logged in to post a comment Login