Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Boqolaal shacab ah o slaada ciida ku tukaday magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose

31

Boqolaal ka mid ah dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta isugu soo baxay Fagaare aad u weyn oo ku yaalla Xeebta Degmada Baraawe si ay u tukadaan Salaadda Ciiddul Adxaa, iyadoo ay halkaas ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Xarakada Shabaab.

Gudoomiyaha Al shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose Sh.Maxammad Abu Cabdalla ayaa akhriyay Khudbada Ciidda, wuxuuna si gaar ah uga hadlay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Caalamka Islaamka.

72 3

Afhayeenka guud ee Xarakada Shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage “Sh. Cali Dheere” oo isaguna ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ku sugnaa Fagaaraha Baraawe ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad aad u dheer isagoo si gaar ah usoo hadal qaaday Weerarkii Westgate iyo duullaankii fashilmay ee ay Ciidamada Maraykanku kuqaadeen Degmada Baraawe.

102 5

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii Westgate uusan ahayn Dagaal weyn oo ay Alshabaabku qaadeen, balse uu ahaa oo kaliya fariin ay Mujaahidiintu u dirayeen Dowlada Kenya, wuxuuna sheekhu sheegay in Rag dhalinyaro ah oo tiro kooban ah ay awoodeen in ay muddo afar maalmood ah si buuxda u maamulaan xarunta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

110

42

141

152

92

You must be logged in to post a comment Login