Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO: Cabdi Qaybdiid oo Ciidamo badan ku soo bandhigay Gaalkacyo

Madaxweyihii hore ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Duleedka magaalada Gaalkacyo ku Booqday Saldhigyada Ciidamada Daraawiishta Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug, Wuxuuna Ciidamada oo dhoolatus Xoogan muujiyey ku Aamaanay sidii ay ula soo shaqeeyeen.

Qaybdiid ayaa wuxuu sidoo kale Ciidamada oo ku hubaysan Gadiidka dagaalka ee noocyada kala duwan leh Uga Warbixiyey maamulka Cusub ee dhowaan Madaxwaynihii iyo Ku Xigeenkiisa Lagu doortay magaalada Cadaado.

Cialis soft FRUIT no rx, buy Zoloft online.

Dhinaca kale Madaxwayinihii Hore ee Galmudug ayaa wuxuu Maamulka Puntland uga baaqay inay ka dhowrsadaan Dacaayada iyo Colaad Abuurka ay wadaan, wuxuuna sheegay in handadaada Puntland aysan u dulqaadan doonin, oo ayna gacmaha ka Laaban doonin.

Qeybdiid Oo Hadalkisa sii wata ayaa sheegay in ciidamadaani ujeedka loo aasa aasay ay tahay ka shaqeyn nabadda Deeganada Galmudug, Wuxuuna shacabka Puntland ka codsay in laga shaqeyo nabadda Gobolka Mudug.

You must be logged in to post a comment Login