Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Dowladda Soomaaliya oo dhaawacyadii dagaalkii Kismaayo keentay Muqdisho si loogu daaweeyo

Dowladda Soomaaliya oo keentay dadkii dhaawaca ahaa ee ku waxyeeloobay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ay soo gaarsiisay Cisbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,wasiirka difaaca dowladda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo warfidiyeenka la hadlay xilli uu kasoo laabtay safar uu ku joogay magaalada Kismaayo ayuu sheegay iney Muqdisho soo gaarsiiyeen qaar ka mid ahaa dhaawacyada dagaalkii Kismaayo.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dagaaladii maalmihii ina dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay iskaga hor yimaadeen dhinacyada isku haya siyaasadda Jubooyinka ay dad badani naftooda ku waayeen halka qaar kalane a ku dhaawacmeen,wuxuuna tilmaamay iney Muqdisho soo gaarsiiyeen dhaawacyadii cuslaa kadib markii eheladooda ay sidaas dowladda ka codsadeen.

Halkaan hoose ka daawo warbixintani oo farxad leh kadib markii ay DF ee Soomaaliya u gargaartay dadkii ku dhaawacmay Kismaayo halka ciidamada Kenya ay aad ugu xunyihiin dhacdadaani maadaama ay iygu doonaayaan ciidmada ururka Raaskambooni.

You must be logged in to post a comment Login