Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: gudoomiyaha xisbiga Ucid oo habaaray dowlada federaalka ee Soomaaliya

Gudoomiyaha Xibiga Ucid oo la kulmay qaar kamid ah jaaliyada reer woqooyiga ee dibadaha ayaa sheegay in cadowga koowaad ee maamulka Somaliland uu yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maadaama u runt ka sheegay waxa uu ku dhisanyahay maamulkooda taas oo ah cadiifad.Dahanka kale waxaa uu sheegay Feysal Cali waraabe ayaa ugu baaqay dadweyna ku nool deegaanada woqooyi ee ay ka taliyaan maamulka Siilaanyo in ay joojiyaan tahriibka iyo sheegashada Somalinimada asiga oo ugu danbentiine habaray madaxweyne jamahuuriyada Soomaaliya iyo calnaka Soomaaliya asiga oo sheegay in calanka Soomaaliya uu dhiig ku dhacay isla markaana ay gaal iyo Musinbo toosin waayay asiga oo sheegay in calankooda inuu tagnaan doono maadaama ay yihiin dad iyaga is aqoonsaday.

Somaliland ayaa geed dheer iyo geed gaaban u fuushay sida ay u heli laheyd aqoonsi balse taas waa ay ku guul dareysatay maadaama beesha caalamka ay aqonsatay DF ee Soomaaliya oo ay si toos ah maamulka Siilaanyo ugu sheegtay in ay hoos yimaada dowlada Soomaaliya oo ay ka maid noqdaan maamul goboleedyada ka jira dalkeena Soomaaliya.
Halkaan hoose ka daawo hadalada xunxun ee uu ku dhawaaqayo gudoomiyaha xisbiga Ucid.

You must be logged in to post a comment Login