Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Hay’adda CCD oo Maanta Muqdisho Ku Qabtay Dood Cilmiyeed Looga Hadlayay arrimaha Amaanka Dalka

Dood cilmiyeedkan ay soo qaban qabisay hay’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD ayna ka qeybgaleen rag iyo Haween ayaa maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Qeybaha kala duwan ee Dalladaha Ururada Bulshada rayidka Deegaanada Ex Banaadir waxana looga hadlay sidii shacabka soomaaliyeed door muhiim ah uga qaadan lahaayen nabad ka aslaaxinta geyiga Soomaaliya looguna caawin lahaa Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya sugida Amaanka.

Ma jiraan Qorshayaal ay ururada Bulshada ugu talageen kor u qaadida nabadda iyo is dhexgalka bulshada ayaa la weydiiyay Xaaji Axmed Maxamuud oo ku hadlahay magaca dhaqanka isagoo Jawaabta Su’aashaasna uu ku biirayay in dhibaato kasto ay shabaab u maleegaan shacabka ay ka taxdaryihiin , wuxuna ka hadlay waxa ay diinta islaamka ka qabto xiriirka dhexmari karo dadka kirishtaanka ah iyo muslimiinta, shacabka soomaaliyedna wuxuu ugu baaqay in ay dowlada gacan siiyaan.

Dadkii ka qeybgalay Dood cimiyeedka ayaa soo bandhigay sida ay xusid u mudantahay 26ka June oo hal maalin ay harsantahay kuna beegan markii xurnimada ay qaateen gobolada waqooyi isla markaana la tagay Calanka jamhuuriyada Soomaaliya.
Halkaan hoose ka daawo warkaani oo faahfaahsan.

You must be logged in to post a comment Login