Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Hogaamiyaha Raaskambooni e oo Shir Jaraa’id qabtay kana hadlay Go’aanka Shirkii Kampala

Hogaamiyaha jabhada Raaskamboni Axmed Madoobe ayaa sheegay in dekedda Kismayo la mid tahay kuwa Bossaso iyo Berbera ku yaal, islamarkaasina aysan haysan cid shisheeye oo ay Somali joogto.

Go’aanadii ka soo baxay shirkii Kamapala ee shalay ayaa waxa ka mid ahaa in DF Somalia la wareegto maamulka Dekedda iyo Garoonka Kismayo taas oo ah mid muhiim u ah dowladiisa.

Axmed Madoobe ayaa garoonka diyaaradaha ku qabtay shir saxaafaded uu si qoto dheer uga hadlay xaaladaha Jubooyonka iyo dib soo dhowayn u sameyeen dhaawacyo Galkacayo ka soo laabtay ka dib gurmad caafimaad oo shacabka Puntland u fidiyeen.
Asaaskii iyo dhismihii waxa uu ugu yeeray Jubaland ayuu ka soo bilaabay kaasi oo DF ay ka cago jiiday inay hogaanka u qabato shirkoodi Kismayo, isgaoona xusay inay ku fashilantay DF hawlihii loo igmaday sida Dhowrista dastuurka iyo dhamaystirka maamul goboleedyada dalka.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraaid ee uu qabtay hogaamiyaha Raaskambooni

You must be logged in to post a comment Login